Bogba oo codsi u dirsaday ole Gunnar solskjaer

(Manchester) 30 June 2019.  Kubad sameeyaha Man United Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu si shaqsi ah u doonayo ka bixitaanka kooxda xagaagan, wuxuuna si gaar ah codsi u weydiisan doona Ole Gunnar Solskjaer si uu ugu sahlno in la iibiyo.
Xiddigaan reer France waxaa si aan daah saarneyn loola xiriirinayay maalmahii lasoo dhaafay kooxaha Real Madrid iyo kooxdiisii hore Juventus, wuxuuna xiddiga dareemayaa in la joogo waqtigii ugu haboonaa uu isaga tagi lahaa Old Trafford.
Ed Woodward ma doonayo inuu xiddigaan iibiyo, balse The Sun ayaa shaacisay in Paul Pogba uu wadahadal la gali doono maamulka horaanta bisha July, waxeyna xantu tahay inuu goor hore uu saaxiibadiis ku wargaliyay inuu isaga tagayo kooxda sidoo kalana Ole Gunnar uu ka saacidi karo in la iibiyo.
Isbuuca soo aadan ayey ku balansan yahiin ciyaartoyda Red Devils iney kusoo laabtaan kooxda, waxeyna 13-ka July la ciyaari doonaan Perth Glory, balse xiddiga ku guuleystay koobka Adduunka wuxuu doonayaa in la xaliyo ka hor inta aysan kooxda u duulin Australia.
Labada kooxood ee wada doonaya xiddigaan ma doonayaan iney bixiyaan lacagaha ay Red Devils duldhigtay xiddigaan ee saxaafadda hadal heyso, waxaana suuragal ah hadii ay ku adkeysato iney iska dhaafaan doon doonista xiddigaan.
Share:

No comments:

Post a Comment

Ila soo xiriir

Name

Email *

Message *

Popular Posts

Powered by Blogger.

Categories

Labels

Recent Posts